Xaasid-nimadu iyo diintu waxa ay ka qabto
Xaasid-nimadu waa cudurka ummadaha halaaga......
الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على سيدنا رسول الله محمد بن عبدالله وعلى آله وصحبه أجمعين.
Xaasid-nimadu: waa dareen qalbi kaasoo uu qofku jeclaan lahaa in ay baaba'do awoodda hebel ama horumarka uu noolasha ka gaaray oo isaga ay kusoo wareegto - qofka xaasidka ah- ama ay ka baaba,da un xitaa isaga yaaney kusoo laabane.
قال تعالى ( وَمِنْ شَرِّ حَاسِدٍ إِذَا حَسَدَ )
Allaah SWT ayaa yiri: {-Allaah ka magan gal- xaasidka markuu wax xasdayo}
Qataadah ayaa ku fasiray: waa sharta kasoo baxaysa indhihiisa iyo naftiisa markuu ku guda jiro hawsha wax cayuumida.
وقال رسول الله صلى الله عليه وسلم (العَينُ حَقٌّ، وَلَو كانَ شَيءٌ سابق القَدرِ، سَبَقَتْهُ العين)رواه مسلم
Nabiga scw ayaa yiri : ( Ishu waa xaq - waa wax jira - haduu jiri lahaa wax ka dheereyn kara Qadarta Eebe Isha ayaa ka dheereyn lahayd) laakiin ma jiro wax ka baxsan kara Qadarta iyo xukunka eebe.
وقال عليه الصلاة والسلام:( العين تدخل الرجل القبر وتدخل الجمل القدر) حديث حسن
Waxaa kaloo laga wariyey suubanaha scw: (Ishu nin rag bay qabri galisaa, Ratina dhari ayay galisaa).
Mid ka mid ah saalixiintii hore ayaa yiri :Saddex shay qofka ayay halaagaan:
1- kibirka oo ibliis halligay.
2-Damaca weyn oo Nabi Aadam scw ayuu jannada kasoo saaray.
3-Xaasid-nimadu waxay ku qaaday ina aadan - qaabiil-inuu dilo walaalkii - haabiil-.
Calaamadaha lagu garto in lagu xaasiday - cayuumay-
Daawada:
-Hadii aad garato ruuxii ku xaasiday waxaad ka dalbataa inuu weysadiisa kuu hooriyo, kadibna ku qabayso biyahaasi. Sidaas ayaa lagu amri jirey xaasidka xilligii nabiga scw sida ay sheegtay hooyo caa,ishah RAC
-hadii aad garan weydo xaasidka ku cayuumay waxaad aqridaa :
1=Faatixo
2=Aayatu Alkursi
3=Dhamaadka suurada Albaqarah
4=Suuradaha Alikhlaas, Alfaq, Alnaas
iyo qaar ka mid ah adkaarta laga wariyey nabiga scw sida:
(أعيذك بكلمات الله التامة من كل شيطان وهامة، ومن كل عين لامة)
(بسم الله أرقيك من كل شيء يؤذيك، من شر كل نفس وعين حاسد، الله يشفيك، بسم الله أرقيك)
Oo si toos ah korkaaga ugu tuf.
Allaah SWT hanaga koriyo cudurkan wax halliga...... Aamiin
@Abdulwahab Atiqi Mohammed Alsomali
تعليقات
إرسال تعليق