Magacyada Bilaha miilaadiga iyo micnahooda

Wax ka Baro tirsi-taariikhda aad adeegsato iyo Macnihiisa
magacyada asnaamta miyaa bilo inoo ah?

Walaal waad ogtahay in taariikhdu maanta tahay 24-10-2018 ee tirsiga miilaadiga loogu yeero, lkn ma taqaanaa taariikhda islaamka ee hijriga maanta intey tahay ??

Waa wax xanuun badan inaan hidaha iyo shacaa,irta Diinteena islaamka ah aan ka weecanno taasoo keentay inaan noqono umad la dulaysto.....

Hadaba maxaad ka taqaanaa micnaha iyo asalkii hore ee bilaha sanadka miilaadiga ?

1. january (janaayo): waxuu asal ahaan kasoo jeeda magaca ’’ janus’’ oo ah "sanamka albaabada iyo waqtiga" waxa uu ka mid ahaa ilaahyadii ay caabudi jireen  romankii hore.

2. February (Febraayo): asal ahaan erayga ‘’febra’’ waa "is nadiifinta iyo is dhaahirin" waxaa xilligan oo kale roman-ku ay qaban jireen xaflado balaadhan oo ay isku yimadaan si ay u nadiifiyaan deeganka ay dagan yihin iyo jirkooda si ay u raali galiyaan asnaamta.

3. March (maarso): waxa uu kamid ahaa asnaamta ay caabudi jireen roman-ku waxana ay u yaqaanen "ilaaha dagaalka" xilligan oo kalana waxay gali jireen dagaalada.

4. April (Abril): waxay asal ahaan kasoo jeedaa erayga ‘’avril’’ oo macnihiisu yahay "Gu’ga" ama xilliga barwaaqada kuna beegn xilliga beerashada oo ay roobabku curtaan.

5. May(Meey): waxa uu asal ahaan kasoo jeeda ereyga’’Maya’’ oo  ah "sanamka xidigaha"
waxaana xilligan oo kale xiddigisku cirka ayuu ka muuqan jirey.

6.june (juun): waxa uu asal ahaan kasoo jeeda erayga”jonious’’ oo macnihiisu yahay "dhalinyarnimo" waxaana xilligan oo kale ay qaban jireen xaflado waawayn oo ay dhalinyarta ugu dabaal dagaan

7. Julay (juulaay): waxa loogu magac daray boqorkii roman-ka ahaa ee la odhan jiray “julius caesar”

8. Augst (Agost): waxa loogu magaca daray boqorkii labaad ee roman-ka ahaa “augustus’’

9: Sebtember (siteembar): waxa uu kasoo jeeda asal ahaan erayga “septa’’oo ah lambar 7

10: Octobar (oktoobar): waxa uu kasoo jeeda asal ahaan erayga “octa’’ oo ah lambar 8.

11: November (nofeembar): waxa uu asal ahaan kasoo jeeda erayga ‘’nova’’ oo ah lambar 9.

12: December: waxa uu asal ahaan kasoo jeeda erayga”deca’’oo ah lambar 10.

Hadaba walaal ma waxaan tirsan karnaa magacya Asnaam ay gaalo caabudi jirtay ? Mise tirsiga hijriga ee ku salaysan Diinteena suuban ayaa inoo quman? 

Abdulwahab atiqi Mohammed 

تعليقات

المشاركات الشائعة