Taariikhda Abuu bakar al sadiiq RAC
سيرة سيدنا أبي بكر الصديق رضي الله عنه ....
Taariikhda Abu bakar Al sadiiq R.A.C
Abu Bakr Alsadiiq (RAC) magaciisoo dhamaystiran waa Cabdullah ibnu Cusmaan ibn Caamir hooyadiisa magaceeda waxaa la odhan jirey salma bintu sakhar
(Qabiilkiisu waa qureysh lafta reer Taym).
wuxuu ku dhashay magaalada Makah 2 sano iyo 6 bilood ka dib dhacdadii (Al-fiil) ee Abraha Alxabashii uu doonayay inuu ku bur buriyo Kacbada barakaysan waxay ku beegnayd bishii Oktoobar 573 wuxuuna dhintey Jumaadal awal 13h oo ku beegan 23 Ogosto 634M.
Islaamka ka hor Wuxuu ka mid ahaa madaxda qureysh ee maamuuska leh waligiina sanam ma caabudin Zino ma galin khamrigana ma cabi jirin.
wuxuu aad ugu xeel dheeraa Abtirsiinada qabaa,ilka carabta ah oo idil Wuxuuna ahaa ganacsade deeqsi ah.
Markuu soo islaamay kadib Hantidiisa oo dhan wuxuu ku bixiyay diinta ilaah. Wuxuu aad u jeclaa sadaqada sidoo kale wuxuu xureyn jirey dadka dhiban ee addoonsiga ku jira.
waa Qofka ugu fadliga badan ummada nabi muxamad SCW uguna iimaan wayn.
Waa saaxiibka koowaad ee Nebi Muxamed SCW ahaana khaliifka koowaad ee Khulafo Raashidiinta ee Dawladda Islaamka.
Abu Bakr waxaa loo yaqaaney Al-Siddiq (run sheege) sababtoo ah wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee rumeeya Nebiga SCW oo rag ah waxa ka horeeyay oo kaliya xaaskii Nebiga ee Khadiijah.
Wuxuu la hijrooday nabiga magaalada madiinah waxayna gaaladii qureysh dul dhigeen madaxiisa 100 neef oo geel ah sida rasuulka SCW ay u dul dhigeen oo kale wuxuu la galay nabiga SCW godkii (Thowr) waxayna ku jireen 3 habeen.
Wuxuu ka qayb qaatay oo uu goob jooge ka ahaa dhamaan dagaaladii iyo dhacdooyinkii nabiga SCW sida: Badar. Uxud. Khandaq. Khaybar. Xudaybiyah. Furashadii makah iwm.
Abiibakar waxaa uu guursaday afar haween {afar xaas} magacyadooda waxay kala yihiin sedan hoos ku xusan.
1- Quteyla bintu cabdulcuzaa : waxay udhashay abiibakar cabdulaahi iyo asmaa,a.
2- Umm rawmaan bintu caamir al kunaaniya waxay udhashay cabdiraxmaan & caaishah.
3- Asmaa bintu cumays: waxay udhashay maxamed
4- xabiiba bintu khaarija: waay udhashay ummu kaltuum.
Markuu soo islaamay wuxuu bilaabay faafinta diinta islaamka waxaan gacmihiisa kusoo islaamay:
-Cusmaan bin cafaan. Zubayr bin cawaam. Dhalxa bin cubaydillaah. Sacad bin abi waqaas. C/raxmaan bin cowf. Abi cubayda. Abi salamah iya kuwa kale oo fara badan.
Rasuulka alle SCW markuu xanuunsaday oo ay geeridiisu soo dhawaatay wuxuu ku amray abuu bakar inuu muslimiinta salaada ka bixiyo.
Kadib geerida rasuulka SCW asxaabta ayaa argagax ku dhacay qaar baa istaagi waayay qaarkood hadalkii ayay gabeen heer uu gaaray sayidnaa cumar bin khadhaab inuu u caga juhgeeya qofkii yidhaahda Rasuulka alle wuu geeriyooday lkn Abuu bakar waa uu degenaa oo iimaankiisa ayaa sugay xaaladaasna isaga ayaa dajiyay Markaasuu saxaabada kulmiyey una aqriyay aayad quraan oo tilmaamaysa in rasuulka alle uu bashar yahay geeriduna ay xaq tahay markaasuu cumar fadhiistay.
Asxaabta ayaa abuu bakar u mubaayacooday (doorteen) inoo noqdo khaliifka 1aad ee islaamka taariikhdu markay ahayd12-3-11h /632m
wuxuuna xilka hayay 2sano iyo dhowr bilood wuxuu qaaday dagaallo waaweyn kuwaasoo uu lagalay murtadiintii zako diidka ahaa iyo kuwii nabi nimada sheegtay sida musaylamah al kaddaab iyo dhulayxah iyo sajaax
wuxuuna ciidankiisa hoggaamiye ooga dhigay khaalad ibnu waliid kaasoo guul ka gaaray dhamaan murtadiinta barkood islaamka ayay dib ugu soo noqdeen barkoodna waa la laayay.
Ka dib wuxuu ciidanka islaamka u diray furashada ciraaq taasoo hoos tagi jirtay dawlada faaris (hada waa iiraan dalka loo yaqaanno) ayadana sidoo kale waa la furtay.
wuxuu bilaabay furashada shaam lkn xanuunkii geerida ayaa ku simi waayay.
Markuu abuu bakar xanuunkii geerida ku culusaaday wuxuu isagu yeeray saxaabada wuxuuna ku yiri: iga goddooma xilkii aan idiin hayay oo cidaad rabtaan doorta. Waxay yidhaahdeen:Adigaan kugu kalsoonahay ee cidaad rabto noo door markaasuu cumar bin khataab doortay.
wuxuu geeriyooday maalin isniin ah bisha jumaad al aakhir13
bisha jumaad al aakhir13h /635m waxaana lagu garab aasay saaxiibkii rasuulka alle SCW .
Waxuu Abuu Bakar Siddiiq RAC lahaa fadli aanan la soo koobi karin .
Rasuulku (scw) waxuu yiri: (Haddii iimaanka Abuu Bakar kafad miisaan la saaro oo misna iimaanka ummadayda kafada kale la saaro, waxaa cuslaan lahaa iimaanka Abuu Bakar).
Tani waxay ku tusin heerka uu iimaanka Abuu Bakar joogay iyo inuu ahaa mid aad u sarreeyo oo aysan jirin cid iimaankiisa gaari karto Rasuulka ka dib.
Rasuulku (scw) waxuu yiri: (Qof walboo abaal igu lahaa waan u abaal guday waxaan ka ahayn abuu bakar wuxuu igu leeyahay abaal allah un uu gudi karo).
Fg: taariikhda (H) waa mida hijriga (m) waa miilaadiga.
Abdulwahab atiqi Mohammed

تعليقات
إرسال تعليق