Qabyaalada iyo diinta islaamku waxa ay ka qabto...

"Iska daaya - Qabyaalada- waa qurune"....waxaa yiri Rasuulka allaah SCW

Qabyaalada

الحمد لله وسلام على عباده الذين اصطفى،  وبعد.
Somalidu waxa ay ka mid tahay bulshooyinka ku dhaqma " hab-beeleedyada ama nidaam bulshe qabiili ah" oo waa bulsho qabiilku meel sare kaga yaal.
Taasi dhib ma laha oo waxay kala mid yihiin umadaha kale ileen allaah SW ayaa dadka qabaa,il kala duwan ka dhigay. Allaah wuxuu yidhi:
(وجعلناكم شعوبا وقبائل لتعارفو )
" waxaan idinka dhignay shucuub _ umado _ iyo qabiilo kala duwan si aad isagu aqoonsataan
lkn sixun ayay u isticmaashaa qabiilka waxa ayna isku qalada labada erey ee QABIIL & QABYAALAD
WAA MAXAY SABABTA uu Allah SWT inooga dhigay ummado iyo qabiilo kala duwan ?
waxaa jira  asbaab faro badan oo aanan halkan kusoo koobi Karin balse hadii aan wax ka xusno waxaa kamid ah :-
1. In la isku aqoonsado, Allah wuxuu yiri
 (ىاأيها الناس إناخلقناكم من ذكر وأنثي وجعلناكم شعوبا وقبائل لتعارفو )
( dadoow waxaan idinka abuurnay mid lab iyo dhadig waxaana idinka dhignay qeybo ama gabalo amaba shacabyo iyo qabiilo si aad isagu garataan ).
 2. In la isku xiriiiriyo,  hadii aad taqaano dadka qaraabadaa , qaraabadaasi haku timaado nasab ama xidid waxaa fududaanaysa inaad xiriiriso iyaguna ay ku soo xiriiriyaan. Taasoo islaamku ku magacaabay "صلة الرحم"  Qaraabo xiriirin.
 3. In lagu kala garto dadka isguursan kara "ee aan maxramka ahayn" iyo kuwa aan is guursan Karin " Maxaarimta ah ".
Iyo asbaab kale oo fara badan.
Qabyaaladu Maxay tahay ?
QABYAALADU waa sixun u isticmaalka qabiilka sida inaad isticmaasho qabiilka wax aan loo sameyn sida inaad wax ku dhacdo ama aad wax ku disho ama aad ku garab istaagto walaalka ama ina adeerka isagoo qaldan oo gar daran
Waxaana wax laga xumaada ah inaad Aduun iyo Aakhiroba aad ku seegto waxaan haba yaraate aan faa’iido kuu lahayn .
HALKAY DIINTA ISLAAMKU ISKA TAAGTAY QABYAALADA ?
Diinta islaamka ee suuban waxay ku tilmaantay qabyaaladu inay tahay fal "XAARAAM" qofkii ku kacna uu ciqaab alle mutaysan doono.
Walaal-nimo dhab ah iyo isu gargaaridu waa mida diinta ku salaysan.
Allaah SW wuxuu yiri:
(إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ)
" waxaa un walaala ah kuwa rumaysan Allaah "

Sidaas awgeed Rasuula SCW waxa uu dhisay bulsho ku dhisan is jacayl iyo walaalnimo diini ah. Allaah wuxuu yiri:
( وَالْمُؤْمِنُونَ وَالْمُؤْمِنَاتُ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ ۚ يَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ وَيُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَيُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَيُطِيعُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ ۚ أُولَٰئِكَ سَيَرْحَمُهُمُ اللَّهُ ۗ إِنَّ اللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ )

" kuwa rumesan Allah ee labka ah iyo kuwa dhadiga ah wey is leeyihiin - waa isku mid - waxay faraan samaha waxayna reebaan xumaha salaadana way oogaan zakadan way bixiyaan Allah iyo rasuulkana way adeecaan kuwaasi Allah wuu u naxariisan doonaa Allah waa mid awood iyo xikmad leh "
Wuxuuna tilmaamay in dadku ay siman yihiin oo aanu jirin wax farqi ah oo u dhaxeeya oo aan ka ahayn allaah cabsidiisa wuxuu yiri:
( إذا كان يوم القيامة أمر الله مناديا ينادي: ألا إني جعلت نسباً، وجعلتم نسباً، فجعلت أكرمكم أتقاكم، فأبيتم، إلا أن تقولوا: فلانٌ بن فلانٍ خيرٌ من فلانٍ بن فلانٍ، فاليوم أرفعُ نسبي وأضعُ نسبكم، أين المتقون)
" Markii qiyaamaha la gaaro Allah wuxuu amrayaa malag ka mid ah malaa,igta inuu ku ku dhawaaqo oo uu yiraahdo:
Waxaan sameeyay Abtir-siino -Waa alle ka cabsi - idinkuna Abtir-siino kale ayaad samaysateen, waxaan ka dhigay midkiina ugu Taqwada bada kan ugu sharafta badan, markaasaad diideen oo waxaad dhahdeen: Hebel ina Hebel ayaa Hebel ina Hebel ka fiican. Maanta Abtir-siinahayga ayaan sare u qaadi Abtir-siinahiinana hoos baan u dhigi. Aaway kuwii Mutaqiinta ahaa"

Waxaa laga wariyay nabiga NNKH inuu yiri:
( لَيْسَ مِنَّا مَنْ دَعَا إِلَى عَصَبِيَّةٍ وَلَيْسَ مِنَّا مَنْ قَاتَلَ عَلَى عَصَبِيَّةٍ وَلَيْسَ مِنَّا مَنْ مَاتَ عَلَى عَصَبِيَّةٍ )
"naga mid ma aha qofkii u yeerata ama sheegta casabiyad (qabyaalad), naga mid ma aha qofkii u dagaalama casabiyad (qabyaalad),
naga mid ma aha qofkii u dhinta casabiyad (qabyaalad).....
Gumaystaha xitaa wuxuu ka dhigan jiray hub dagaal qabyaalada soomaaliya ka dhaxayso, asogoo u isticmaalaayo soomaaliya in uu ku kala jar jaro si aysan wada jir wax isga celin, sababtoo ah soomaaliya qabyaalada ayaa ku xoogganayd oo qabiil qabiil u kala go’aneyd.

GUNAANUD.
Walaalayaal waxaa burburiyey qarankeena oo nakala geyey midba meel ka tuuray waa qabyaalad.
Qabyaalada waxay sababtay in lakala taktago oo dib layskugu noqon kari eaayo qaarkeen xabsi bay galisay.
qaarna qaxooti bay ka dhigtay.
qaar kalana la waa oo Bad baa liqday.
qaarna raq iyo ruux jaan iyo cirib meelay dhigeen lama hayo.
Intaas waxaa sii dheer in uu burburay wadan bilic iyo bulsaho iyo dhaqaale lagu taami jirey
Intaas soo naguma filno ???
Dugsi maleh qayaaladi waxay dumiso mooyaane
Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahooy, duunka ka heshiiso
Dadka Kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa’in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye

Abdulwahab atiqi Mohammed 

Qabyaaaladu waa qurun

تعليقات

المشاركات الشائعة