Taariikhda magaalada Baardheere
Taariikhda magaalada Baardheere
الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على سيدنا رسول الله محمد بن عبدالله وعلى آله وصحبه أجمعين وبعد.
Magaalada Baardhere waxay ka mid tahay magaalooyinkii Somaliya ugu horreeyey, uguna faca weyn magaalooyinka laga aas aasey meel ka fog xeebta koonfureed ee dalka Somaliya.
Waxaa as,aasay Sh. Ibrahim Hassan Yabarow Sanadii -1175H (1761) .
Juqraafi ahaan waxay ku taalaa inta u dhexeysa (loolasha 2-3° ) waqooyiga dhulbaraha iyo (Dhigaha 42-43°). Cimiladeeda waa mid aad u kulul, taas oo sahleysa in saanadka oo idil beeraha laga faaideysankaro marka la isticmaalayo waraabka beeraha.
lkn Nasiib darro biyaha oo jooga dhulka ka hooseeya awgeed waxaa adag soo saarista biyaha waraabka hadaan la isticmalynin matoorada biyaha.
Bardhere waxay aad ugu hormarsantahay tacabka beeraha noocyadiisa kala duwan. (Beeraha jiimada ah iyo kuwa adablaha ah)
Wax soo saarka dalagyada intooda badan waa lafdhabarka dhaqaalaha Dagmadaasi. Waxay si gaar ah ugu caanbaxdey sannadihii dambe tacabka basasha iyo tubaakada oo loo iibgeyo gudaha iyo dibedda Somaliya.
Magaca Baardhere waa geedka (baar) iyo (dheer) kaasoo caan ka ahaa dhulka ku teedsan wabiga.
Baarku waa geed inta badan ka baxa dhulalka webiyada hareerahooda ah - Wuxuu dhalaa miro loo yaqaano “khoono". Geedka baarka ah waxaa lagu dhistaa guryaha, Tiirarka baarka oo dhowr ah ayaa inta la isku xiro loo isticmaalaa in lagaga gudbo webiga laguna rarto alaabta sida doonta oo kale waxaana loo yaqaaney (Sablo).
Caanaha baarka waxaa loo yaqaana (shalabow), waxayna socodsiiyaan -sida la sheego- caloosha haddii la cabo marka ay macyihiin. Lkn haday daahaan "maan dooriye" ayay isu badalaan oo waa lagu sarkhaamaa.
Ujeedada loo aas aasey magaalada Baardhere waxay ahayd in ay noqoto gole diinta islaamka looga dhaqmo isla markaana dadka loogu yeero ku dhaqanka iyo fidinta islaamka. Magaalada waxaa la aas aasey laba qarni ka badan muddo laga joogo. Taariikhdu waxay ahayd 1175H ama 1761 sannadka miilaadiyada.
Magaalada Baardheere waxay ku dhisneed nidaamka ah (imaarad) islaami ah oo uu ka taliyo sheekh imaam ah.ciidan leh.
Imaaradaasi waxay burbutay sanadii 1271H - 1831 markii ay kusoo duuleen isbahaysi ay haogaaminayso saldanada (galladi) waxa ay bur bursanayd muddo 20 sano ah
Imaaradaasi waxay burbutay sanadii 1271H - 1831 markii ay kusoo duuleen isbahaysi ay haogaaminayso saldanada (galladi) waxa ay bur bursanayd muddo 20 sano ah
Sanadii 1851 waxaa dib u yagleelay magaalada sheekh maxamed aadan kheerow .
Markii gumaysigu qabsaday wadanka waxaa burburay nidaamkaas waxaana curtay nidaamka (Jamaaco) oo aan awood isticmaalin lkn hab maamuus sare iyo tix galin leh.
Waa kan liiska imaamyada soo maray magaalada iyo taariikhda geeridooda iyo intey xilka hayeen.
1. Sh. Ibrahim xassan Yabarow 7bari 1190H (1776)
2. Sheikh Cali Dhurre -30 sano-1220H (1805)
2. Sheikh Cali Dhurre -30 sano-1220H (1805)
3. Sheikh Abuukar aadan dhurre - 24 sano - 1244H ( 1828) )
4. Sheikh C/Raxmaan Abayle -7 sano-1251H (1835)
5. Sheikh Maxamed Adam Kerow -24 sano-1295H (1878)
6. Sheikh C/raxman Maxamed adan keerow 2 sano -1297H (1880)
7. Sheikh Cbdiyow cismanow -25 sano-1322H
8. Sheikh Ibrahim Maxamed Adan keerow -4 sano- 1326H (1908)
9. Sheikh Cali macalin Muddey -33 sano-1359H (1940)
10. Sheikh Maxamed Yusuf -20 sano-1379H (1959)
11. Xaaji C/Caziz Sh. Cli Macalin muudeey -8 sano-1387H (1967)
12. Sheikh Mursal Macalin Caliyow-25 sano-1412H (1992)
13. Sheikh Cabdullaahi Macalin Axmed (sheekh xirow)- 22 sano 1414-1992 – 1436-2014
Allaah haka raali noqdo dhamaan.

تعليقات
إرسال تعليق