Sheeko arday saacad xaday

Sheeko ardaygii saacada xaday iyo macalinkiisamaxaa kala qabsaday.

Xaflad aroos ah ayaa waxaa ku kulmay macalin iyo mid kamid ahaa ardadiisa dugsiga hoose, macalinkii ayuu si diiran u salaamay, wuxuuna ku yidhi: Macalin ma i xasuusataa?

Macalinki wuxuu yidhi: maya!


Ardaygii wuu yaabay, wuxuuna ku dhahay: macalin waxaan ahay ardaygii hada ka hor xaday saacada sxbkiisa anagoo safka ku jirno.

waxaad na galisay saf baaritaan, dhidid waawayn ayaa igu soo istaagay, dhuuntana way i angagtay, waxaanna yaqiinsaday ineey ii dhamaatay.

Indhaha isku qabta oo Wajiyadiina darbiga aadiya ayaad na tiri.

baaritaankii ayaad bilowday, markaad i soo gaartay, oo wadna garaacayga iyo neeftayda aad ka yaabtay ayaad saacadii jaabkayga aayar kasoo saartay adigoona cidna dareensiinin.

baaridii ayaadna sii wadatay, markaad dhamaysay oo aan fadhiisanay ayaad ardaygii saacadiisa siisay, adigoon u sheegin ruuxaad kasoo saartay.

Maamul iyo arday iyo macalimiinta cidna umaadan sheegin.

Arintaa wax wayn ayay dhaqankeygi ka badashay, abaal wayn ayaad igu leedahay, ee rdaygii aad sidaa u ceeb asturtay ayaan ahaye sideed ii garan wayday?

Macalinkii ayaa ku jawaabay: waa runtaa dhacdadaas waan xasuustaa, lkn ardaygii aan kasoo saaray walaahi ma garan karo.

maxaa yeeley markaad indhaha isku heyseen ee aan idin baarayey anigana indhahaan isku hayey oo ma arkaynin ardayga aan baarayo si aan uur ku taalo aan  ugu qaadin cidna.

Waxbarida xikmad ayay u baahantahay.

Turjumida: Abdulwahab Atiqi Mohammed Alsomali

Sheeko arday saacad xaday

تعليقات

المشاركات الشائعة