Fadliga soomka maalinka caashuuraa

Fadliga Soonka Maalinta Caashuuraa

Bishaan Muxaram waxa ay kamid tahayn Bilaha Afarta ah ee Xurmada leh ee Fadliga Badan .

Nabigeena NNKH wuxuu yiri :

(Soon Waxaa u Fadli Badan Bisha Ramadaan Kadib Bisha Muxaram) Muslim. 

Nabigeena NNKH wuxuu yimid Magaalda Madiina Iyadoo Markaasi Yahuudii Daganeyd ay Soomanyihiin Maalinta 10-aad ee Yowmu Caashuura Markaasuu Yiri:

(Anagaa Yahuuda kaga Xaqnimo Badan nabi muuse)

Waayo maalintaasi Allah waxuu nabi muuse iyo tolkii ka badbaadiyay fircon iyo ciidankiisa.

Rasuulkii Alle SCW wuxuu ka yiri soonka maalintaa:

(Waxaan Alle ka Rajeynaaya  in uu ku Dhaafo Danbiga Sanadkii Tagay) Muslim.

Danbiyada Lagu sheegay Xadiithkaan ee Qofka Soomo Maalinta Cashuura Waa Dambiyada Saqaa’irta ah ama Yar yar Balse Dunuubta Kabaa’iarada ah ee Waaweyn Iyaga Waxaa lagu dhaafa in Qofka uu Towbo Nasuuxa ah la Yimaado.

Qaabka Loo Soomaayo;

 

Soonka Maalinta Caahsuura Waa Sunno Aad loo adkeeyay.sidaa Darteed Waxaa u Wanaagsan qofka Muslimka ah ama Gabadha Muslimadda ah ee Sooman in alle ay Ku shukriso inuu waafujiyay Sonoma.

Waxaa suna ah in maalinta 10aad maalin laga hormariyo ama laga dambeeysiiyo.iyadoo yahuuda lagu khilaafaayo.

.

 aan ka Faaideysano qeyrka Maalintaan ku jira Ilaaheyna waxaan weydiisaneynaa in Danbigeena iyo kan waalidkeen uu ku dhaafo Soonka Maalinta Caashuura 

Wllkn: CABDI WAHAAB CATIIQI MAXAMED

Soonka caashuuraa

تعليقات

المشاركات الشائعة