Sheekadii Cuzayr Allaah haka raali noqdee

Cuzayr bin shiriih bin khilqiih waxa uu ku dhashay dhulka labada wabi u dhaxeeya ama Asia-da dhexe
Culimada diinta islaamka Qaarkood ayaa wariyey in Cuzayr u ahaa nabi ka mida anbiyadi reer bani israaiil, walow aanu jirin "Nas cad" Aayad ama xadiith saxiix ah oo arrinkaasi qirahaya.
Halka culimada badankoodu ku ekeyaan inu ahaa Wali ilaahay saalix ah xikmada wanaagsan lahaa.
waxuu ahaa ninka uu Alle oofsaday boqol sano, kadibna uu soo nooleeyey si arrintaasi cibra qaadasho iyo caddayn ugu noqto awooda Allaah uu u leeyahay noolaynta khalqiga maalinta qiyaamaha.
Cuzayr maalin malaamaha ka mid ah xilli duhur ay tahay waxuu soo maray magaalo dunsan oo cidla ah oo aanu cidna daganayn. Isagoo yaaban wuxuu fiiriyey hareeraha iyo burburka arladda ka muuqda oo wuxuu yidhi: sidee buu Allaah nolol u galin-doona arladaan sidaan ba'an u dhimatay.sidaa waxuu u yiri ma ahayn shaki u ka qabo awooda Allaah inu soo nooleyn karo, ee wuxuu u yiri waxay ahayd wax is weydiin ahaan oo kali ah.
si uu oga helo har qabow ayuu meel dunsaneyd galay isagoo wata dameerkiisa, dambiil miro ku jiraan iyo in yar oo rooti ah. 
Markaasu Allaah u soo diray malakul-mowd, kaasoo qaaday ruuxadiisa oo oofsaday, waxuuna dhinsanaa boqol sano .. Markii ay boqol sano soo wareegtay, oo reer bani israaiil soo mareen marxalado badan ayuu Allaah diray malag oo naftii kusoo caliyay.
cuzayr marku fariistay ayaa malagi ku yiri; Cuzayrow imisa ayaad Jiiftay? markaasu Cuzayr ku jawaabay waa intaaso aan jiifay maalin ama maalin galinkeed .. Malagi baa yiri: mayee waxaad mootaneyd boqol sano, ee bal eeg cuntadaadi iyo cabitaankaagi oo sidoodi u cusub oo kuma dhicin wax isbadal ah. Cusayr waxaa shaki ka galay waxa u sheegaayo malaga oo ah "dhimasho boqol sano ah iyo cuuno aan doorsoomin". malagi ayaa yiri: waad aragtaa dameerkaagii dhintay lafihiisa. markaasa ayuu malagii u yeeray lafaha iney isu yimaadaan. markaasey bilaabeen iney isaga yimaadaan meel kasta ay ku kala firirsanaayeen oo way isku xirmeen ka dib wuxuu huwiyey hilib iyo muruqyo oo danbeeto u soo saaray harag iyo timo oo hadana naf galiyey oo dameerkii istaagay Cuzayr hortiisa.
Cuzayr markuu mucjisadaas arkay ayuu yidhi: waan ogahay oo waan qirsanahay in Allaah wax walbo awood u leeyahay.
Cuzayr markii dambe wuxuu yimid tuuladiisa iyo halkii uu  ku noolaan jiray, laakiin wax garta waa la waayey isaguna cidna waa uu ka garan-waayey dadkii laakiin mar dambe isagii oo yaaban ayuu gurigiisi kula kulmay hawyney duq ah o indha la' oo curyaan ah oo jirtay boqol iyo labaatan sano. haweyneydaas waxay ahaan jirtay shaqaale ka shaqeeya gurigiisa oo markii u ka tagaayey Cuzayr gurigiisa waagaas waxay jirtay oo kaliya labaatan sano.
Cuzayr ayaa haweyneydi ku yiri kani ma gurigi Cuzayr baa?  waxay tiri haa waa gurigi Cuzayr, Waxayna bilaawday oohin, waxay tiri: lama kulmin muddo boqol sano ah qof xusa Cuzayr oo dadkii waa hilmaameen. markaasu yiri waa aniga Cuzayr oo Allaah iinta uu i oofsaday boqol sano hadana igu soo celiyey nolol.
waxay tiri hadaad Cuzayr tahay wuxuu ahaa nin xaga Allaahlaga aqbalo ducadiisa oo ku caafin jiray bukaanka ee ii duceey in ilaahay i soo celiyo arageygii si aan kuu arko oo hadaad tahay Cuzayr waan ku garan-doonaa. markaasu u duceeyey, Allaah SW ayaa arageedi u soo celiyay oo dhan walba ka caafiyay. Markaas bay tiri: waxaan ka marag ahay inaad Cuzayr tahay.
kadib Cuzayr waxuu la kulmay odayaashii reer bani israail oo golohoodi ku kulansan iyo wiilkiisa oo markaas jiray 118 sano iyo ilmihii ilmihiisu ay dhaleen. marka horese wey rumeysan-waayeen. Laakiin caddaymo badan kadib waa ay rumeysteen.
Cuzayr wuxuu noolaa intii u dhaxeysay nabi Daauud iyo Zakariya NNKHA Allaah SW ayaa baray kitaabka towraad iydoo aysan jirin cid taqaan -Maadaama sanduuqii kitaabka towraatka uu ku jiray laga dhacay reer bani israa,iil mana jiri cid kor ka xifdisan - waxaa la sheegaa in Allaah amray malag inu la soo dago iftiin kaasoo galay Cuzayr laabtiisa, markaasu dib u qoray kitaabka towreed xaraf xaraf sidi markii hore loo soo dajiyey.

Yuhuuda waxay yiraahdaan Muuse wuxuu noo keenay Towreedka kitaab ahaan, laakiinse markay go'day silsiladi taxneyd ee towreedka, waxaa noo keenay Cuzayr kitaab la'aan. markaasa israaiiliyiinti qaar ku sheegeen inu yahay wiilkii Allaah. " ILAAH BAA XUMAAN KA HUFANE"
Cuzayr wuxuu ku geeriyooday oo lagu aasay magaalada Qudus. ALLAAH HAKA RAALI NOQDEE
Wllkin: Abdul wahab Atiqi Al Somali 

Sheekadii Cuzayr RAC


تعليقات

المشاركات الشائعة