Sheekadii nabi yuunis S.C.W

قصة نبي الله يونس عليه السلام. ..... .Sheekadii nabi yuunis CS


Yuunus Ibnu Mataa (yuunis macnaheedu waa qooleey)waa rasuul kamida rususha Eebe,ee ee nabiyada reer bani israa,iil waxuu ku noolaa boqortooyadii "waqooyiga israa,iil" wuxuu dhashay qarnigii 8aad ee dhalashadii nabi ciise ka hor wuxuuna dhintay qarniga 7aad dalashadii nabi ciise ka hor.

FG: Asaga iyo nabi ciise Waa 2da nabi ee kali ah ee hooyadood loogu magac daray.

Nabi Yuunus waxa lagu naanaysaa (Saaxib al-Xuut ama Dan-Nuun)macnaheedu waa (saaxiibka nibiriga)

waxa loo diray qoom deganaa magaalo la dhaho Naynawa oo ku taala gobolka Mowsil ee saaran wabiga dijlah ee wadanka Ciraaq. (Magaaladaasi hada waa qayb ka tirsan magaalada muusil) 

Waxay caabudi jireen asnaam gaar ahaan sanamka lagu magacaabo "Cishtaar"


Nabi Yuunus qoomkiisii waxa uu ugu yeedha diinta Islaamka,iyo kitaabka tawraat balse way ka dhaga adaygeen, waxna way ka qaadan waayeen, markaasay dhamaantood isku waafaqeen beeninta Nabi Yuunus.oo Kali ah 2ruux ayaa rumaysay muddo 33sana ah


Nabi Yuunus (N.N.K.H) wuu usamray, oo qoomkiisa hadh iyo habeenba waa u yeedhay, kor iyo hoosna wuu ugu dhigay laakiin way ka madax adaygeen, shayaadiina way kusii riixday gaalnimada.


Maalintii danbe ayaa Eebe u waxyooday adoonkiisii Yuunus inay qoomkiisa sadex maalin kadib ay ku habsanayso cadaab darani.


Nabi Yuunus (N.N.K.H) markuu arkay inay qoomkiisu halaagsamayaan ayuu iskaga tagay, oo ka baxay magaaladii(Asaga oo aan la amrin) kadibna waxa uu koray Doon(markab).


Markuu Nabi Yuunus ka baxay deegaankii ayaa waxaa bilowday astaamaha cadaabtii loogu goodiyey markaas ayay isku yimaadeen, ayagoo ka shallaayey waxay gaysteen, kadibna dhammaantood waxay kasoo baxeen guryahoodii ayagoo Eebe baryaya, kana cabsanaya in cadaabkii loogu goodiyey. Dadkii oo dhan waxay rumeeyeen Ilaahay kadibna Eebe waa unaxariistay oo waa ka dul qaaday dhibtii.


Nabi Yuunus (N.N.K.H) waxa uu raacay markabkii oo ay dad badani saaranyihiin, goortuna waa habeen dabayl badana way jirtay, kadibna waxa mar qura is badalay jawigii, mawjadihii badduna sare ayey ukaceen.  kadibna si loo yareeyo culayska doonta ayey dadkii tuureen alaabtii iyo macuunadii ay wateen, hase ahaatee waxaa sare usii kacay dabayshii iyo mawjadihii. Dadkii waxay dareemeen cabsi, kadibna waxay dareemeen in ruux loo caraysanyahay uu doonta saaranyahay waxa ayna go’aansadeen inay qori tuurtaan ruuxii qorigiisa soo baxana badda lagu tuuro si ay kuwa kale u badbaadaan,sidoo kale waxa hareerahooda joogay kalluun (Nibiri) kaas oo ugaadhsanaya ciddii  kasoo degta doonta.

Markay qoryihii tuureen ayey kusoo baxday Nabi Yuunus (N.N.K.H) markaasay ku dhaheen "adigu waxaad tahay Nin wanaagsan ee aan ku celin qori tuurka" mar iyo labo iyo saddex ayay ku celiyeen mar walbana qorigiisi ayaa soo baxaayay . Nabi Yuunus  wuu fahmay in isaga loo jeedo, haddana dadkii doonta saarnaa way ku adkaatay inay tuuraan Nabi Yuunis. 


Nabi Yuunus inta uu shaatigii iska siibay  ayuu isku tuuray badda, isla markiiba kalluun sugayey ayaa  liqay Nabi Yuunus. Kalluunka waxa loo waxyooday inuu liqo Nabi Yuunus isagoon jirkiisa burburin.


Nabi Yuunus waxa uu galay calooshii Kalluunka, waxa uu umaleeyey inuu geeriyooday, markaasuu dhaqdhaqaajiyey lugihiisa, kadibna waxa uu dareemay inuu noolyahay.


Nabi Yuunus isagoo sadex mugdi dhexdood ku jira ayuu usujuuday Eebe (waa mugduga habeen iyo mugdiga badda iyo mugdiga caloosha nibiriga)asaga oo dhahaya

( لا اله الا انت سبحانك اني كنت من الظالمين)

" ilaah xaq lagu caabudu ma jiro aan adiga ahayn, xumaan adigaan lahayn,Danbiile ayaan ahaa ee ii dhaaf"

Wuxuu Eebbe ugu sujuuday meel aan waligii bashar ugu  sujuudin.


kalmadii wanaagsanayd ayaa sare u kacday, waxayna gaartay samooyinka, kadib waxaa maqlay malaa’iktii oo dhahay "Rabbiyoow waxaan maqalaynaa cod aanu garanayno balse ka hadlaya meel aan looga baran "


Eebe waxa uu dhahay "waa adoonkaygii Yuunus oo ku sugan sadex mugdiyaal dhexdood, mugdigii habeenka, mugdigii badda iyo mugdigii kalluuna dhexdiisa" 

Malaa’igtii waxay Eebe ka dalbadeen inuu koryeelo Nabi Yuunus. Eebana wuxuu u waxyooday kalluunkii inuu sii daayo Yuunus, geeyana xeebta.

kallunkii waxa uu ku tuuray xeebtii isaga oo buka, gaajoonaya, oo harraadan sidoo kale qorraxdu ay hayso. markaasuu Eebe kasoo bixiyey geed "yaqdiin" ah xeebtii, markaasuu Nabi Yuunu cunay midhihii geedka, waana harsaday sidoo kale waxa u imanayey maalin kasta "Dayro Ama gari"kadibna waxa uu cabi jirey caanaheeda.

Nabi Yuunus (N.N.K.H) wuu caafimaaday kadibn waxa la faray inuu ku noqdo qoomkiisii, markuu ku noqday qoomkiisii ayuu la kulmay mucjiso, dhammaantood way rumeeyeen waanay soo dhaweeyeen Nabi Yuunus.Tiradoodu waxay ka badneyd 100,000 oo qof. 

صلوات ربي وسلامه عليه وعلى نبينا وعلى جميع الأنبياء والمرسلين 

Wllkiin: C/wahaab Catiiq maxamed

تعليقات

المشاركات الشائعة