Agoonka diinta islaamka xuquuqda uu ku leeyahay

Agoonka madaxa u salaax.


الحمد لله والصلاة والسلام على سيدنا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين. 


Islaamku waxuu aad u daryeeley xaaladaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan dan yarta iyo masaakiinta iyo naafada iwm, sidaasoo kale wuxuu kaalin wayn siiyay mawduuca (Agoonta).


Agoonku waa canuga waaya aabihii ama labadiisa waalid isagoon qaan gaarin.

Nusuusta muqaddas-ka ah ee kitaabka Qur,aanka iyo Axaadiithta Nabiga SCW aad ayay oga hadleen qaabka ugu fiican ee agoonta loola dhaqmo, kana digaya in xuquuqdooda la duudsiiyo.


Sidoo kale Rasuulka Allaah SCW wuxuu ahaa tusaalaha nool ee ugu fiican ee looga daydo la dhaqanka agoonka. 


Hadaba waxaan jecleystay inaan mawduucaasi aan wax ka iraahdo anigoo fasiraya nusuustaasi qaar ka mid ah si ay ooga faa,ideystaan dadka ku hadla afka soomaaliga.

Allaah SW 21 aayad ayuu kaga hadley Agoonka iyo xuquuqdiisa, taasoo ah qaabka ugu fiican ee loola dhaqmo iyo cuquubada uu mutaysanayo ruuxa ku xad gudba.

Waxaan soo qaadayaa qaar ka mid ah xuquuqdaasi uu Allaah siiyay Agoonka. 


XAQA U SAMA FALIDA. Allaah  SW wuxuu ina faray inaan agoonka u fidino sama fal iyo ixsaan, wuxuu yidhi:


{وَاعْبُدُواْ اللّهَ وَلاَ تُشْرِكُواْ بِهِ شَيْئًا وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا وَبِذِي الْقُرْبَى وَالْيَتَامَى وَالْمَسَاكِينِ وَالْجَارِ ذِي الْقُرْبَى وَالْجَارِ الْجُنُبِ وَالصَّاحِبِ بِالجَنبِ وَابْنِ السَّبِيلِ وَمَا مَلَكَتْ أَيْمَانُكُمْ إِنَّ اللّهَ لاَ يُحِبُّ مَن كَانَ مُخْتَالاً فَخُورًا}.. [النساء : 36].

(Allaah Caabuda hana la Wadaajinina waxba, Labada Waalidna u Wanaag fala, iyo Qaraabada, Agoonta, Masaakiinta, Dariska dhaw, Dariska Durugsan, Saaxiibka Dhinaca, Socotada iyo waxay hanatay Gacmihiinnu, Eebana ma Jecla Cidda Kibirka badan ee Faanka badan )Al-nisaa,a 36


XAQA XURMEYNTA MAALKA AGOONKA. Allaah SW wuxuu inooga digay inaan ku xad-gudubno Hantida agoonka oo waxa uu yidhi SW:


{وَلاَ تَقْرَبُواْ مَالَ الْيَتِيمِ إِلاَّ بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ حَتَّى يَبْلُغَ أَشُدَّهُ وَأَوْفُواْ بِالْعَهْدِ إِنَّ الْعَهْدَ كَانَ مَسْؤُولاً}.. [الإسراء : 34].

(Hana u dhawaanina Xoolaha agoonta sida U fiican mooyee intay ka gaadhaan xooggooda, Oofiyana ballanka illeen Ballanka waa lays warsane) Al-israa 34


CUQUBADA QOFKII KU XAD GUDBA MAALKIISA Allaah SW waxa uu yidhi:


{إِنَّ الَّذِينَ يَأْكُلُونَ أَمْوَالَ الْيَتَامَى ظُلْمًا إِنَّمَا يَأْكُلُونَ فِي بُطُونِهِمْ نَارًا وَسَيَصْلَوْنَ سَعِيرًا}.. [النساء : 10].

( Kuwa u Cunaya Xoolaha Agoonla Dulmi (Xaq darro) waxay uun ku Cunayaan Calooshooda Naar waxayna Gali Saciiro) Al-nisaa,a 10


XAQA XAARAAN-TIMEYNTA XOOG IN LOO SHEEGTO.Allaah SW wuxuu inaga reebay in agoonka la jujuubo oo la cadaadiyo oo wuxuu yidhi:

{فَأَمَّا الْيَتِيمَ فَلَا تَقْهَرْ}.. [الضحى : 9].

(Ee Agoonta ha xoogin )Al-duxaa 9


XAQA KARAAMRYNTA AGOONKA. Allaah SW waxa yidhi:

{كَلَّا ۖ بَل لَّا تُكْرِمُونَ الْيَتِيمَ} [الفجر : 17]

( Saas ma aha ee waxaydaan dhaqaalaynayn Agoonka.) Al-fajr 17


Iyo xuquuq kale oo intaa ka badan.


Rasuulka SCW waxaa uu ahaa tusmaha ugu fiican ee la dhaqmida agoonka, waxaana ka sugan axaadiith fara badan oo uu kaga hadlya xaqa agoonka iyo Ajarka laga heleyo dhaqaaleyntiisa.


Fadliga kafaala qaadida agoonka.iyo korintiisa ama dhaqaaleyntiisa. 


قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( أنا وكافل اليتيم في الجنة هكذا، وأشار بالسبابة والوسطى وفرج بينهما ) رواه البخاري

" Aniga iyo qofkii agoon kafaaleeya sidan baan janada ku nahay " Wuxuu taagay farta dhexe iyo mida ataxiyaadka wuuna kale fogeeyay " Al-Bukhaari


Hadaba qofkii doonayoo rafiiqa nabiga SCW ee jannada waa tan midaad ku gaari lahayd. Labadaa farood intey isu jiraan ayaad u jirsanaysaa xabiibka SCW. 


قال رسول الله صلى الله عليه وسلم (كافل اليتيم له أو لغيره أنا وهو كهاتين في الجنة( رواه مسلم)

" Aniga iyo qofkii agoon qaraabadiisa ah ama agoon aan qaraabadiisa ahayn kafaaleeya sidan baan jannada kunahay Aniga iyo asaga " Muslim


قال النبيّ صلى الله عليه وسلم( من ضم يتيماً بين أبوين مسلمين إلى طعامه وشرابه حتى يستغني عنه وجبت له -الجنة- ألبتة)

uuxii agoon laba waalid oo Muslim ah ay dhaleen dugsiyo cunadiisa iyo cabidiisa kafaala Qaeda ilaa uu deeqtoomo - isku filnaado - Janah ayaa u waajibtay oo dhan ah "

Fadliga uu leeyahay in agoonka loo naxariisto madaxana loo salaaxo

(أتى النبي صلى الله عليه وسلم رجل يشكو قسوة قلبه ؟قال: أتحب أن يلين قلبك وتدرك حاجتك؟ ارحم اليتيم وامسح رأسه وأطعمه من طعامك يلن قلبك وتدرك حاجتك )
" Waxaa u yimid nabiga SCW nin ka sheeganaya qalbi adeeg - naxariis darko- nabiga SCW ayaa yidhi: ma jeceshahay in qalbigaagu nuglaado dantaadana aad gatto?
Agoonka u naxariiso madaxana u salaax cuntada aad cuneyso hakula cuno qalbigaagu wuu jilci dantaadana waad gaari " Al-dhabaraani

وقال صلى الله عليه وسلم ( من وضع يده على رأس يتيم رحمة كتب الله له بكل شعرة مدت على يده حسنة) رواه الإمام أحمد
" Qofkii agoon madaxiisa gacanta Saara naxariisa owgeed Allaah SW wuxuu ugu qarayaa tin Walboo gacantiisu ay gaadhay xasanah - Ajar -) Axmad

Hadaba walaalkey/walaashey hadaadan wax kale aadan awoodin ha ilaawin in agoonka oo madaxa loo salaaxo ay dareensiineyso dugaal iyo iney jiraan dad jecel, ee taa xataa hakala bakhaylin. 

Walaalkiin: Abdul wahab Atiqi Al Somali

Agoonka xuquuqda diinta islaamka uu ku leeyahay

تعليقات

المشاركات الشائعة