Nabadu waa maxay
.Nabadu waa maxay
Qofkasta ee naga mid ah waxuu ku xiranyahay oo naf ahaan, shaqsi ahaan, maskax ahaan, iyo jir ahaanba u baahanyahay nabad iyo nolol!
Nolol ma jireeyso, hadii aanay nabadi jirin, nabadna ma jireeyso hadii aysan nolol jirin.
Abwaan soomaaliyeed ayaa ka gabyay nabada isagoona tilmaamay qiimaha ay Nabadu leedahay waxana uu yiri:
Inay nabadu guri hooyo tihiyo gogoshi kuu-tiilay.
Goobjoog nin kii shalay ahaa wuu garwaaq sadaye
Caqligii guran baan ogayn guul inay tahaye
Waa goodan barwaaqoo rimaan gaawa loo sidaye
Kolna waa gabaad lagu nastiyo gama’a laseexdaaye
Kolna waa gasiin lagu qadiyo maalaan kaa gurine
kolna waa gufaacada hartiyo golihi roobeede Kolna waa gu’gii hooray iyo geedka soo baxaye
Kolna waa gamaan kaagi iyo geenya shaaximane
Kolna hadaan gad lagu doorsadiyo nabad lagaaraynin
Gankaa soo kacay u sheeg iyo gabana daa mooge.
Nolosha bani aadamka ee badanaa macaankeeda yahay (maalka, caruurta,lamaanaha isjecel, cilmiga sare iwm) waxeey baa’badaa markii Nabad la waayo. HadabaWaa maxay NABAD? maxaasa laga faa,idaa?
Nabadu waa hal Erey oo waxyaabo badan oo kala duwan loo adeegsado, kuna xiran hadba bulshada qofku ku dhex koray, iyo micnaha markaas laga leeyahay.
Tusaale siyaasiyiinta kala duwan ee dunida waxey ka hadlaan ama ay Adeegsadaan khudbad kasta oo ay aqrinaayaan erayga "Nabad" Si ay u soo jiitaan dhegaha shacabkooda, uguna qanciyaan bulshada in ay wanaag ku maqanyihiin.
Lkn waxaa Nasiib darro ah iney dhacdo in erayga nabada ay adeegsadaan dad ka shaqeeya "nabad la,aan" iyo qalqal xaga amniga ah, ayagoo ku marmarsiyoonaaya in ay sidaa ku heleyaan nabad!
Waxaad arki kartaa in dadka badankoodu u Riyaaqaayaan in la ciqaabo qofkasta oo diidan NABADA,
Waxaana badanaa hilmaannaa in nabadi Jiri karin inta ay jiraan kuwo Aadanaha kamid ah oo gumaysi ku hayaan umada aan waxba ka halynin sida qadiyada "FALASTIIN" ay yahuuda 70 sano in ka badan sidey doonaan ka yeelaan, Beesha caalam-kana indhaha ay ka daawanayaan.
Nabadi ma jireyso intey jiraan dowlado Sameeynaayo hubka wax gumaada/baabi’iya sida (nukliyeerka) ama (kiimakada sunta ah) ee lagu buufiyo noolaha oo idil si loo waayo wax dhulkaas ku nool. Taasoo ah mid ka hor imanaysa Bani, aadamnimada iyo shareeca walboo dunida guudkeeda looga dhaqmo.
Nabad ma jireeyso inta aan taageereeyno wiilkeena, ninkeena, walaalkeena, aabaheena iyo qofkaste oo nabadd-diid ah, inta aan tuseeno saaxiib-tinimo iyo kalgaceyl - cabsi aan ka qabno darteed in ay na dhibaateeyaan-.
Allaha subaxaanahuu watacaalaa wuxuu ku galad sheegtay aadamaha nabad-galyada uu siiyay, wuxuuna ina amray inaan adkeyno. Sidaa owgeed Waxaa ina loo jideeyey hadaan is aragno in aan is niraahno:
ألسلام عليكم ورحمة الله وبركاته
oo macnaheedu yahay nabad korkaaga Allaah ha yeelo iyo naxariis Alle.
Rasuulka SCW Wuxuu ku tilmaamay Qofka muslimka ah midka carabkiisa iyo adinkiisa laga nabad helo.
Nabad ma jireeyso intaan ka ogolaan-doonno in hooyada uurka leh ay degmo, tuulo magaalo, baadiyo ay ka heleyso adeeg caafimaad iyo umulin oo dhanaystiran.
Nabadi ma jireyso ilaa aan joojinno cunuga koraaya aan ku talaalayno cudurka nabadla’aanta iyo qabyaalad.
Nabadi jiri mayso ilaa ku dhaqanno shareecada islaamka ee macaan.
Hadaba Walaalayaal Nabadu waa waxkasta oo nafta dejiya, kana bixiya cabsida iyo qalqalka nafsiyadeed ee ku beermay.
Nabad waa degenaasho, waa kalsooni, waa isjeceyl, waa wada hadal, iyo waliba wada shaqeeyn.
Nabad waa in aad ku dhex noolaatid bulsho isku duuban, oo dhib iyo dheefba wada qayb-sada salaanta isku faafiya, wajiyadooda farxad iyo qosol ka muuqato oo uu qofwalba qofka kale la jecelyahay wanaaga, iyo horumarka.
Nabad waxaad aragtaa markii aad u ogolaatid qofkasta oo noole ah inuu helo waxkasta oo aad adiga jeceshahay, kuna qanacsantahay oo aad dartiisa u faraxdid.
Nabad waa geed la harsado
Ugu dambeyntii Nimcada aad haysato qiimaheeda waxaad garataa markaad weydo. tusaale caafimaadka qiimahiisa waxaad dareentaa markaad bukooto, hantida qiimaheeda-na markaad ceydha/faqiir noqoto,qiimaha Adimaha waxaad ogaataa markaad Naafe noqoto, dhalin yare-nimada markaad duqoodo, nabadana markaad cabsato.....
Noolaha dunida ku nool oo dhan waxey jecelyihiin ama naftoodu ay tabtaysaa nabad!

Waxaa qoray wllkina: Abdul wahab Atiqi Alsomali
تعليقات
إرسال تعليق