Soomka Ramadan fadliga iyo axkaamta uu leeyahay
Fadliga Soomka bisha Ramadan iyo axkaamta
الحمد لله والصلاه والسلام على رسول الله محمد ابن عبد الله وعلى اله وصحبه ومن اتبع هداه وبعد:
Walaalka iyo walaasha muslimka ahoo waxaan jecleeystey bisha ramadaan awgeed inaan idiinla wadaago dhowr erey oo ku saabsan bishan barakaysan. Waxii wanaag ah waa xaga Allaah waxaan halleeyana fadlan yaan laga aamusin
ee hala i xasuusiyo.
Halkee ayuu Ramadaan islaamka kaga jiraa
Bisha Ramadan waxa ay leedahay Fadli aad u weyn, waana fursad sanadkii hal mar soo marta dadka Muslimiinta ah,
Diinteenna Islaamka ah, Bisha Soon aadayay u karaameysay waxayna diinta ay geesay Bishaan boos aad uwey oo waa tiirka 4aad ee islaamka.
Xikmada loo jideeyey.
Waxaa uu dhaxalsiiyaa qofka Cabsida Allaah
waa bil lagu tarabiyeeyo Nafasadda loogana Daahiriyo waxyaabaha xun xun
waa bil Dulqaad iyo sabarka laga barto Oon iyo Gaajo iyo naftu waxay jecleyd oo dhan ayuu ka tagayaa isagoo aaminsan inuu Allaah dartiis u soomanyahay ajarna xisaabsanayo,
Oonka iyo gaajada waxay qofka bareysaa inuu qalbigiisa qashuuco oo waxyaabihii shahawaadka ahaa uu iskaga tago.
Waxaa uu dareemaayaa dhibaatada ay qabaan dadka faqiiraka ah, oo qalbigaagu ayaa naxariisto ku beermeysaa.
Waxaa Maxay Soon
Soonka Luqa ahaan waa: Af heysasho.
Sharci ahaan: Soonka waa in la is kaga haro waxyaabaha wax afuriya sida cunista, cabista, galmada, laga bilaabo salaadda subax ilaa iyo inta qoraxda ay ka dhaceyso.
Goormee ayaa la jideeyey ?
Soonka waa tiirka Afaraad ee tiiraraka islaamka waxa uu Alle ku waajibiyay dadka Muslimiinta ah, sanadkii 2aad ee Hijriyada.
Waa maxay Arkaanta Soomka ?
Soomka waxa uu ku taaganyahay 3 tiir mid ka midana haddii la waayo wuu burayaa :
1- In la niyeesto Soomka.
2- In laga haro oo laga fogaado wax walba oo soomka jabiya .
3- In la helo qofkii Soomi lahaa
Waa Maxay Sharuudaha uu Soomka Ku Ansaxaayo ?
Qof Soomka laga rabo waxa uu leeyahay Sharuudo haddii la waayo sharuudahaan mid ka mida ma ansaxayo Soomkiisu:
1- waa inuu qofka Muslim yahay
2- Waa inuu yahay qofka Qaan-gaar
3- waa inuu awoodo inuu soomo
4- Waa inuu yahay qofka qof Caqli leh oo aan waalneyn
5- Waa inuu yahay qof nagi -inuusan ahayn qofka musaafir-
6- Waa inay gabdha ay daahir ka tahay 2da dhiig kan caadada iyo midka dhalmada.
Maxaa Buriya Soomka ?
Soonka waxaa buriya waxyaabo badan waxaana ka mida ah waxa soo socda:
1- cunno ama cabbid kas ah oo aan hilmaan ahayn waxaa soo hoos gala qodobkan in qofka uu is duro faleebo ama irbad nafaqayn ah
2- Galmada.
3- Matag kas la iskaga keeno.
4- inuu buro shuruudihii 6da ahaa ee aan soo xusnay.sida inuu waasho qofka ama diinta uu ka baxo ama inuu miyir daboolmo.
Waa Maxay Fadliga uu leeyahay Saa,imka bisha Ramadan?
Soomka waxa uu leeyahay fadli weyn oo uu helayo qofkii Sooma waxaana ka mid ah:
1 . qofkii Sooma bisha Ramadaan isagoo Rumeysan ajarna xisaabsanayo qofkaasi waxaa loo dhaafaa dambigiisii hore.
2 . qofka sooman ducadiisa lama soo celiyo.
3 . Soomka iyo qur’aanka Aakhiro way u shafeeco qaadaan qofka.
4 . Ajarka qofka sooman Allaah oo kaliya ayaa garan - acmaasha kale waxa ajar ahaan laga helaayo waa la sheegey waxaan ka ahayn Soomka.
5. Soomka waa gaashaan uu qofka uga gaashaanto Naarta.
5 . Soomka Ramadan oo si taam ah loo sooma waxaa loogu dambi dhaafaa 2da Ramadan damiyadii u dhexeeyey
Waa Maxay Faa’idooyinka Caafimaad oo ay leedahay Bisha Ramadaan
Faa’idooyinka Caafimaad ee doctor-da ey cadeeyeen inuu Soomku leeyahay waxaa ka mida ah:
1 .waxa uu ka hortagaa cudurrada Kansarka.
2 .waxa uu kor dhiyaa awoodda jirka bani’aadamka.
3 .waxa uu ilaaliyaa Maqaarka jirka, waxa uuna ka hortagaa cudurrada ku dhaco Maqaarka.
4 .waxa uu yareeyaa cudurrada Xasaasiyadda iyo kuwa ku dhaco saableyda.
5 .waxa uu ka hortagaa cudurka macaanka/ sokorta.
6 .waxa uu daawo u yahay cudurrada ku dhaco lafaha iyo ilkaha .
7 . waxa uu yareeyaa dufanta tirada badan ee ku jirta dhiiga -cholesterol-ka.
Ramadaan maxay tilmaamo u gaar ah leedahay?
Bisha Ramadaan waxa ay leedahay waxyaabo badan oo ay kaga duwantahay bilaha kale waxaa ka mid ah.
1. waxaa la soo dajiyay Qur’aanka Kariimka
2. waxaa la furaa Al-baabada Janada iyo Cirka.
3. waxaa la furaa Al-baabada Janada waxaana la xiraa Al-baabada naarta, waxaan la xir xiraa shaydaamaha.
4. Habeen walba Allaah SW Dad ayuu Naarta ka xoreeyaa.
5. Waxaa Ramadaan dhacay Dagaalkii Badar ee Allaah gaalada ku halaagay iyo farashada magaalada makkah.
6. waxaa ku jira habeen ka kheyr badan kun bil.-84sano- laylatul-qadri
Abdulwahab Atiqi Mohammed
تعليقات
إرسال تعليق