Tirada ku dhimatay dagaaladii Nabiga Scw

 الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على رسول الله محمد بن عبدالله وعلى آله وصحبه أجمعين وبعد

Waxaan jeclaaday inaan halkan aan ku qoro mawduuc aad u muhiim ah. Kaasoo ah "maxaad ka taqaanaa tirada ku geeriyootay dagaaladii jihaadka ee nabiga(SCW)uu la galay gaalada intuu noolaa" bal si aan ooga dheehano naxariista Rasuulka(SCW).a


Nabiga (scw) mudadii dacwada islaamka uu waday gaaladu way is hor taageen oo dulmi fara badan ayay muslimiinta u gaysteen Jihaad ayaa kadib la faray

Toban sano mudo ah nabiga (scw) wuxuu qaaday(25)qazwah-weerar&weerar celin- iyo (70) sariyo
FG: Dagaalka nabiga uu ka qayb galo waxaa la dhahaa "Qazwah"a

Ciidankii uu diro oo isagu ka qayb galin waxa la dhaha(Sariyah).a

Intaasoo dagaal ah ma taqaanaa tirada ku dhimatay ama gaalada laga dilay ama muslimiinta ka shahiiday?.a



Culimada taariikhda islaamka markay xisaabiyeen waxay noqotay tirada(625)gaalada laga dilay iyo(236)oo muslimiinta ka shahiiday.a

(625)gaal oo kaliya ayaa la dilay mudo toban  sano ah !!!a

Sababtu waa maxay ?.a

Sababtu waxay ahayd hadafka nabiga(scw)ma ahayn inuu gumaado oo ayagoo gaalo ah ay dhintaan kadib naarta ay galaan bal nabiga markuu arko janaazo qof gaal ah wuu ilmayn jiray waxuu dhihi jiray waa naf iga fakatay inaan naarta ka bad baadiyo....

Lkn gaaladu sidaas ma ula dhaqmeen muslimiinta?.a

Dalka aljazayir France waxay ku xasuuqday(7,700,000)todoba malyan iyo todobo boqol oo kun mudo 130sano ah.a

Halka magaalada baqdaad ee iraq oo kaliya 2003waxay ku dileen maraykanka1,000,000hal malyan oo qof mudo 3 bilood ah.a

Labada dhaqn is bar bar dhig ?a

Kee baa xoog iyo xasuuq adeegsaday ?a

Taariikhda ayaa inoo jawaabaysa.a

Abdulwahab Atiqi Mohammed

تعليقات

المشاركات الشائعة