Cadaalada cumar bin cabdul casiis

Cadaaladu fiicanaa...sheeko xiiso leh

Khaliifkii caadil-ka ahaa ee cumar bin c/caziiz ayaa loo keeney hantidii zakada, waxuu yidhi: hala siiyo fuqarada muslimiinta.

Waxaa loogu jawaabay: umada islaamka hal qof oo faqiir ah kuma harin.

Wuxuu yidhi: halgu diyaariyo ciidamada islaamka. 

Waxaa loogu jawaabay: Ciidanka islaamka dunidoo dhan ayuu tibaaxayaa/gaaray

Wuxuu yidhi: dhalin-yarada haloogu guuriyo -aroosiyo-

Waxaa loogu jawaabay: intii guur doon ahayd waan u guuriney lacag badan ayaana soo hartay.

wuxuu yidhi: dadka daynta lagu leeyahay daymaha halagooga bixiyo.

Waxaa loogu jawaabay: qof walba oo dayn lagu lahaa waan ka gudnay, wali lacag fara badan ayaana soo hartay.

Wuxuu yidhi: kiristaanka iyo yahuuda - ee ku hoos nool dowlada islaamka - ee daynta lagu leeyahay ka guda daymaha.

 Waxaa loogu jawaabay: waan sameynay wali lacag ayaa tuuran.

Wuxuu yidhi: culimada haloo qaybiyo.

Waxaa loogu jawaabay: waan u qaybinay culimada intaan aragney.

Wuxuu yidhi: wixi soo hara waxaad ku soo gadaan qamadi - sarayn- waxaad-na ku firdhisaan/sayrtaan buuraha dushooda iyo kamaha shimbiruhu ha cunaane, SI AAN LOO DHIHIN SHIMBIR AYAA KU GAAJOODAY DHULKA ISLAAMKA.

cadaalad baa ina deeqda.

Turjumida wllkin: Abdul wahab Atiqi Mohammed Alsomali


Cadaalada cumar bin cabdul casiis

تعليقات

المشاركات الشائعة