Dhibaatada sinada
الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين، نبينا محمد وعلى آله وصحبه وجميع أنبياء الله ورسله أجمعين وبعد.
Walaalaha sharafta leh dhamaan السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Nabiga SCW ayaa ka hadlay aakhiru zamanka waxyaabaha imaan doono waxayna u dhacaan sida isagoo arkaayay oo kale, taasoo ka mid ah mucjisooyinkiisa scw, waxyaabihii uu ka hadlay SCW Waxaa ka mid ah xanuunadan faraha ba,an ku hayo bani aadamka waqtiyadan dambe ee aan horay loo arag. Wuxuu yiri Scw:
( لم تظهر الفاحشة في قوم قطُّ حتى يعلنوا بها إلا فشا فيهم الطاعون والأوجاع التي لم تكن في أسلافهم الذين مضوا........الحديث ) رواه ابن ماجه في سننه
(Dad haday ZINADU ku faafto ilaa ay gaaraan heer ay muujiyaan soona bandhigaan banaanka, waxaa iyagana ku faafo FURUQ iyo CUDURO AANAY AABAYAASHOODI HORE QABIN.......)
Waxaan marqaati ka nahay inay zinadu faaftay ilaa ay noqotay shay lagu xarragoodo oon laga xishoon, wadooyinkii zinada oo dhan ayaa lagu fasaadiyey caalamka, filmaan anshax xuma ah, is dhex gal lab iyo dhaddig aan dhawrsaneyn, heesihii culimada ku tilmaameen (الغنا بريد الزنا. Heesuhu waa dhambaalada zinada) ayaa noqday shay caadi ah, oo hadaadan dhageysan waaba lagula yaabi, dharkii asturka iyo xijaabka ahaa waxaa lagu badashey qaawanaan lab iyo dhaddigba!!!
Haday sidaa tahay maxaa diiday in nalagu sallido cuduro aan horey loo arag loona maqal. Xanuunada lagu kala qaado galmada xaaraanta ah waa 63 cudur, HIV AIDS oo kaliye qarnigii taga ayaa 172,000,000 malyan oo qof xasuuqay !!!!
Hadii aad adiga is badashid oo aad hanuuntid hebelna isbadalo anna aan isbadalo, bulshadoo dhan baa isbadali, maxaa yeeley bulshada la sheego waa aniga iyo adiga iyo ayada iyo asaga ma fahantay?....
Ku duceyso ducada nabiga scw ee ah
(اللَّهُمَّ إِنِّي أَعُوذُ بِكَ مِنَ الْبَرَصِ، وَالْجُنُونِ، وَالْجُذَامِ، وَمِنْ سَيِّئِ الأَسْقَامِ ) رواه أبو داود
(Allahayow waxaan kaa magan galay baraska, iyo waallida, iyo juudaanka, iyo cudurrada xun xun)
Abdulwahab Atiqi Mohammed
تعليقات
إرسال تعليق