Sheeko xiise bada ( wuxuu Allaah qadaro waa kheyr)

  (Sheeko xiise badan.....( wuxuu Allaah qadaro waa khey

,Hada ka hor waxaa jirey boqor iyo wasiirkiisa

Wasiirku wuxuu aad u aaminsanaa QADARTA allaah wax walboo dhaco wuxuu dhihi jirey "waa kheyr inshaa allaah".


Maalin ayaa boqorki iyo wasiirka waxay u dalxiiseen beeraha, boqorki ayaa  mindi uu tufaax ku jaraayay faraha ka jartay, oo aad u dhiig baxay, wasiirki ayaa sidiisii hore yiri: waa kheyr

Boqorki aad ayuu u carooda wuxuu warsaday kheyrka ku jiro inuu faraha waayo

Wasiirka ayaa yiri: waxaa laga yaabaa inay kaa xijaabaan shar kugu soo socotay.

Boqorki warkaas kuma soco wuxuuna xirey wasiirkii.


Maalin dambe ayuu duurka ugaarsi u aaday boqorki, isagoo bakeyle bursanaayo ayuu u gacan galay kooxo cawaan ah oo sanam caabuda,

Maalintaas waxay ahayd CIIDA sanamkooda, waxaan loo gawracaa qof bina aadam ah. Waxay dhaheen: ninkan aadka u cayilan maan sanamka u bireyno?


Waxaa loo geeyey KAAHINKA sanamka u adeego, wuuna ogolaaday.

Subaxii markii kawaanka la saaray kaahinka ayaa arkay in 2 farood uu la,yahay. Wuxuuna yiri: ninkaan xibnahiisu ma dhameystirno oo gawrac ansax ah ma noqon karo, sidii ayaa lagu daayay boqorkii.


Asagoo aad u faraxsan ayuu soo noqday, xabsiga ayuu kasii daayay wasiirka, aad ayuuna ooga raali galiyey xarigiisa, lkn wuxuu warsaday: Aniga farihii iga go,ay kheyr ayay ii ahaayeen lkn adiga xabsiga kheyr miyuu kuu ahaa ?

Wasiirka ayaa ku jawaabay: haa maxaa yeeley hadaan kula soco lahaa aniga ayaa la i gawrici lahaa.


Abdulwahab Atiqi Mohammed

Sheeko xiise badan


تعليقات

المشاركات الشائعة