Aabihii Shaqaalaha nadaafad ahaa " sheeko qiima badan"
Qiso dhab ah qiima badan:
"shaqaale nadaafad"
Wuxuu yiri: waligey caruurtayda oo 4 gabdho ah uma sheegin shaqadayda waxa ay tahay, anigoo ka baqay iney qalbi jabaan maadaama aan "Qashinka uruuriyo"
Gabadheyda ugu yar reerka markay i su,aasho waxaan dhihi jirey: xoogsade -muruq maal ayaan ahay.
Maalin walba intaan guriga kusoo noqon ko hor waxaan kusoo qabaysan jirey musqulaha suuqa ku yaala, si aanay caruurtu ii dareemin.
Hamigeygu wuxuu ahaa in caruurtayda aan wax baro, oo gabdhahayga aan dugsi geeyo, si noolal sharaf leh ugu noolaadaan.
Ma dooneyn in ay ku dhacdo tii aniga yaraanteydi isoo martay, ama in la yaso oo si quursi ah loola dhaqmo.
Waxaan kaydiyey shilin walba oon helo si aan gabdhahayga wax u baro.
Waligey shaati cusub ma soo gadanin, lacagaha aan dhar kusoo gadan lahaa buugaagta skool-ka ayaan ugu soo gadi jirey.
Maalin ka hor imtixaanka gabadheyda ay jaamacada ku gali lahayd, ayaan kurbooday waayo ma haynin lacagaha jaamacada.
Waan shaqyn wayay maalintaas, waxaan iska ag-fadhiistay qashinkii, anigoo ilinteydi qirinaayo, asxbtayda ayaa isoo fiiriyey lkn cidna iima soo dhawaanin, cidna ilama hadlin.
"Waan fashilmay, gabadhayda riyadeedi uma rumeyn karo, aad baan u qalbi jabay, sideen ku hor tagaa?! Wajigeen ku qaabilaa markey i dhahdo: aabe bari soo jaamacada ma aadaayo?"
Waxaa ii yimid asxbtydi, dhulka ayay ila fadhiisteen, waxay i yiraahdeen: soo walaalo ma ahin?
Intaan u jawaabin ka hor ayuu mid walba mishaarkiisa "todobaadlaha ah" jaabka kasoo bixiyey oo i hor dhigey.
Waxaan isku dayay inaan diido lkn waxay iigu jawaabeen: todobaad baahi waan u adkeysan karnaa haday gabadheena jaamacada heleyso.
Waan ooyay, waana ooga mahad celiyey.
Maalintaas sida caadada ii ahayd ma aadin musqulaha qabayska ee suuqa ku yaalay, anigoo dharkii wasakhda ahaa qabo ayaan guriga tagay.
Maalintaas ayay gabadhahayga ogaadeen shaqadeyda.
Hada 4tayda gabdho way dhameeyeen jaamacada, shaqooyin fcn ayay heleen, waxayna ku dhaarteen inaan shaqaynin oo ayaga ay ii shaqeeyaan.
Mararka qaar waxay ii qaadaan goobtii aan ka shaqeyn jirey, ayagoo raashiin fara badan u wada sxbtaydi hore.
Mid ayaa su,aalay: maxaad raashiinkan iskugu dhibtaa?
Waxay ku jawaabtay: dhamaantiina maalmo ayaad gaajooteen si aan jaamacada u helo oo heerkan gaaro, hadaan awoodo maalin walbaan idin quudin lahaa.
Hada ma dareemo inaan faqiir ahay waayo gabdho ayaan haystaa
Ilaahayow waalidkeenna noolal iyo geeriba u naxariiso
Turjumida: Abdulwahab Atiqi Mohammed
تعليقات
إرسال تعليق