Nin dalxiise ah " sheeko qiima badan "

Nin dalxiisaa ah ayaa yimid  tuulo ay dagayihiin dad kalluumaysato ah, wuxuu aad ooga heley tayada kalluunka ay dabtaan.


 ?Wuxuu su,aalay: imisa saac ayaad maalin walba kalluumaysataan 

Waxay yiraahdeen: waqti badan kuma bixino, waa 1-2 saacadood.


?Wuxuu yidhi: maad waqti badan kalluumaysataan si aad mallaay badan u heshaan

Waxay u sheegeen in kalluunkan yar uu ku filanyahay baahidooda iyo tsn qoysaskooda.


?Wuxuu su,aalay: oo maxaad samaysaan waqtigiinna kale ee soo haray 

Waxay ku jawaabeen: waqti dambe ayaan hurdada kasoo kacnaa

In yar ayaan soo Kalluumaysannaa 

Caruurteena ayaan la cayaarnaa

Xaasaskeena ayaan cunnada la cunnaa

Badda ayaan kusoo dabaalanaa

Galinka dambe asxaabteena ayaan booqanaa

Habeenkii waan isla caweenaa isla sheekeysanaa, oo heeso ayaan isla qaadnaa ka dibna waan iska seexannaa. Noolasheenu waa noolal habi ah .


Dalxiisihii ayaa yaabay wuxuuna is yidhi: waa dad masaakiin ah oo aan dhaqaalaha waxba ka aqoon, wuxuuna damcay inuu caawiyo. Wuxuu :yidhi 

waxaan ahay nin aqoonyahan ah cilmiga dhaqaalaha shahaada ka haysta  gaar ahaan "maareynta ganacsiga" waana idin caawin karaa !

Waxay dheheen: haye bal nala tali oo ina caawi .


Wuxuu yidhi: maalin walba 12saacadood shaqeeye, kalluunka dheeriga ah ee baahidiina ka bata suuq geeya oo hala gado, ka dib lacagtaasi ku soo gata doon wayn iyo shibaak/shabaq.


?Waxay dheheen: haye kadibna 


Wuxuu yidhi: sidaas waxaad kusoo gadan kartaan 2 iyo 3 iyo 4 doomood iyo in ka badan ilaa aad yeelataan kolonyo doomo kalluumaysi ah oo qalabaysan

Halkii aad markii hore kaluunka aad ka iibin jirteen gaadleey ayagana kasii macaasha idinka ayaa si toos ah heshiisyada la galaayo shirkadah kalluunka, iibsada 


Kalluumaysatadii ayaa is dhowray ayagoo yaaban.


Wuxuu sii raaciyey: kadibna waxaad furanaysaan shirkad kaluumaysi iyo warshada hilibka kalluunka gasacadayso oo ay kumanaan qofi ka shaqeeyaan.


?Waxay dheheen: haye kadibna


Wuxuu yidhi; Markaas kadib tuuladan isaga guura oo new York ama los Angeles iska dega, halkaasna ka abuura mashaariic waaweyn...

?Waxay dheheen: meeqaan ku gaari karnaa heerkaas

Wuxuu yidhi: 20-25 sano.


?Waxay dheheen: haye kadibna 


Isagoo qoslaayo ayuu yidhi: markaad malaayiin doolar aad heshaan howl gab iska noqda. Xeebta guryo waawayn ka dhista, oo noolal dagan ku raaxeeysta. 

Iska jiifa, caruurta la cayaara, oo xaasaskiina la cunteeya, oo habeen walba asxaabtiina la caweeya ...


Kalluumaysatadii ayaa yidhi: mudane waad  mahasanthy lkn hadaba intaasi waan haysanaa, jiif dheer, caruur la cayaar, caweeys, iwm marka maxaan 25 sano isaga khasaarinaa ?!!! 25 sano oo kadeed ah maxaa qoorta inoo suray ?!!


Dalxiisihii af kala qaad ayay ku noqotay, erey dambe kuma hadal, waayo cashar lama ilaawaan ah ayaa loo dhigey....


Nuxurka sheekadu waa: farxadu lacag ma aha, ee waa qanaacad eebe kugu maneysto,

Aduunyo waa jug jug meeshaadi joog.....


Turjumida: Abdulwahab Atiqi Mohammed

Nin dalxiise ah

تعليقات

المشاركات الشائعة