Sheekada Safiirkii la cunay
Sheeko xiise badan (Safiirkii la cunay).....
Markii uu Dalka koongo xornimadiisa ka qaatay gumeystaha "faransa", faransa waxay magacawday safiir u fadhiista caasimada koongo ee magaalada kinshaasa.
Maalin fasax ah ayuu safiirka faransiiska ahaa dalxiis iyo damaashaad u aaday duurka, waxa uu arkay koox dad ah oo meel ku shirsan. Wuxuu u maleeyey dad u kulmay iney isaga soo dhaweeyaan. Lkn xaqiiqdu saas way ka duwaneyd.
Waxa ay ahaayeen qabiil cawaan ah oo hilibka dadka cuna, kadib markay qabteen oo ay gowraceen oo ay kariyeen ayay cuneen Safiirkii !!!!
Dalka faransa ayaa aad ooga carootay dhacdadaai, waxayna ka dalbeen dawlada koongo iney magdhow xoog badan ka bixiso safiirkii la cuney.
Madaxweynaha koongo ayaa golahiisa wasiirada la kulmay si uu oogala tashado jawaabtii ay bixin lahaayeen. Wasiirka maaliyada ayaa u sheegey in qasnada dawladu aanay waxba ku jirin oo ay 0 tahay.
Madaxweynahii ayaa jawaabtan la yaabka leh u diray dalka faransa:
(Waan ka xunahay dhacdadii foosha xumeyd ee ku dhacday Safiirkiina, maadaama aanaan awood u lahayn inaan magdhaw ka bixino waxaan idiinkula talin lahaa safiirkeeni pariis fadhiya inaad cuntaan)
Turjumida: Abdulwahab Atiqi Mohammed
تعليقات
إرسال تعليق