Tilmaamaha lagu garto gaabiska iimaanka

 Alxamdu lilaah, waa maqaal ku saabsan muuqaalada ku tusaayo inaad gaabis ku jirto, oo aadan horay u socon, ee is gaar hadaad isku aragto tilmaamahan mid ka mid ah:


- inaad ka wehsato acmaasha wanaagsan, aadna dareento culeys markaad gudanayso.


- inaad iska ilaawdo aqriska quraanka iyo wardiga (xuska allaah). 


- Qalbi adeeg, iyo saamayn la,aanta wacdiga iyo waanada. 


- inay kula fududaato xumaanta, oo aad la qabsato ama aad caadeysato. 


- in aadan xil iska saarin masuuliyada aad hayso ama amaanada. 


- walaal-nimada Allaah dartii oo meesha ka baxda. 


- inaad Aduunyo aad kaga mashquusho camalka suuban. 


- Hadal iyo muran iyo doodo fara badan oo aan waxtar lahayn. 


- inaad ka sheekeeyso guulo iyo dhibaato halkii aad ku mashquuli lahayd wax ummadda waxtar u leh.


- fadiisha iimaanka qalbiga oo gaabata, iyo inaadan ka qiiroon xumaha la sameynayo. 


- Dhuminta waqtiga iyo inaadan ka faa'ideysan. 


- inaadan u diyaar garoobin inaad xil qabato ama aad is xil-qaanto, kana dhuumato hawl walba oo dhab ah. 


- shaqo isku dhax yaacsan. 


- naftaada oo aad been ku sasabto una sheegto inaad hayso shaqo yool leh, laakiin xaqiiqdu saas ay ka duwantahay.


- inaad iska dhaliisho hawl walba oo quman (waxtar leh). 

 

- caga jiid iyo dib u dhigga hawl walba, aadna isku sheegto inaad qaban doonto

Abdulwahab atiqi Mohammed




تعليقات

المشاركات الشائعة