Fadliga cilmiga iyo waxbarashada

 الحمد لله وكفى، وسلام على عباده الذين اصطفى، أما بعد:

Diinteena suuban ee islaamka waxa ay daryeel iyo danayn gaar ah siisey Cilmiga iyo aqoonta, Allaah SWT ayaa ku bilaabay kitaabkiisa aayadaha ah:

{اقرأ باسم ربك الذي خلق * خلق الإنسان من علق * اقرأ وربك الأكرم* الذي علم بالقلم * علم الإنسان ما لم يعلم}

(Waxaad ku akhridaa magaca rabbigaaga wax abuuray*Kana abuuray Insaanka Calaqo*Akhri Rabbigaana waa kan deeqsinimadiisu wayntahaye*Kaasoo baray (Dadka) Qalinka - iney wax ku qoraan-* Allahaas oo baray dadka wax aanay aqoonin). 


Fadiga cilmiga iyo culimada :

Allaah SWT ayaa yiri :

{شهد الله أنّه لا إله إلا هو والملائكة وأولو العلم قائماً بالقسط لا إله إلا هو العزيز الحكيم}

( Allaah wuxuu ka marag kacay inuusan jirin ilaah - xaq lagu caabudo- isaga aan ahayn , iyo malaa, ikta iyo kuwa caalamiga leh - iyana way ka marag kaceen - isagoo u taagan oogidda cadaalada, ilaahay ma jiro aan isaga ahayn waana kan awooda badan ee murtida badan). 


Waxa kale uu Allaah yiri :

{قل هل يستوي الذين يعلمون والذين لا يعلمون}

( Miyey siman yihiin kuwa wax yaqaan iyo kuwa aan wax aqoon) - Waa maya ma sinno-


Sidoo kale waxa uu yiri :

{يرفع الذين آمنوا منكم والذين أوتوا العلم درجات}

( Allaah wuxuu sare u qaadaa kuwiina rumeeyey - Xaqa- kuwa aqoonta la siiyayna darajooyin - ayuu sare u qaadaa-) 


Rasuulka SCW waxa uu yiri:

{إنّ الله وملائكته وأهل السماوات والأرض حتى النملة في جحرها وحتى الحوت في جوف البحر يصلون على معلم الناس الخير}

(Allaah iyo malaa,iktiisa iyo kuwa cirka dagan iyo dhulka xitaa quraanjada godkeeda ku jirta iyo xitaa nibiriga badda gunteeda ku jira waxa ay u duceeyaan qofka dadka kheyrka/samaha bara). 


Sidoo kale wuxuu yiri:

 (من يرد الله به خيراً يفقّه في الدين)

(Qofkuu Allaah kheyr/wanaag la doono waxa uu fahamsiiyaa diinta) 


Waxaa kaloo laga wariyey:

(من سلك طريقاً يلتمس فيه علماً ، سهّل الله له به طريقاً إلى الجنّة)


(Qofkii mara wado uu cilmi ku raadinaayo allaah wuxuu ugu fudeeydiyaa wado jannada aada)

 

Fadigan gaar kuma aha culuumta shareecada - inkastoo uu yahay kan ugu horeeya fadliga - ee waxaa sidoo kale soo hoos galo cilmi walba oo nacfi u leh qofka muslimka ahi, kaasoo uu ku maareeyo noolasha aduunka aana ka hor imaaneynin maqaasida/ujeedada shareecada islaamka. 

Qoray: Abdulwahab Atiqi Mohammed



تعليقات

المشاركات الشائعة